Farmaajo Oo Laga Dalbaday Inuu Baajiyo Safarada Dibeda

Somalia news

Sida ay ilo wareedyo loo qaateen ah ah ay u sheegeen Warsidaha Diinah.com news, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka dalbaday Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Mr.Farmaajo inuu joojiyo dhamaan Qorshayaashiisa safarada dibada ee uu ku tegi lahaa Dalalka Deriska la ah Somalia….

Dalabka Diblomaasiyiinta ayaa Sida muujinayaan Macluumaadyadaan wuxuu salka ku hayaa Xaalada cakiran Ee Siyaasada Dalka Ee uu dalka wajahaayo gaar ahaan is-mari waaga ka taagan qabsoomida Doorashooyinka ee heer Federaal, waxaana laga Dalbaday inuu dib u dhigo safarada dibeda.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Mr.Farmaajo uu qorsheystay inuu safaro ku tago Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Ethiopia si kulamo ula yeesho todobaadkaan gudihiisa Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia kuwaasoo isbaheysi kala dhaxeeyo xiligaan go’doon caalami ah wada wajahaaya.

Sidoo kale Safarkaan Waxaa loo baajiyay iyadoo todobaadkaan gudihiisa ay dhici doonaan kulamadii lagu xalinaayay Khilaafka Doorashada, kaasoo u ugu horeeyo Kulanka maalinta talaadada ah oo dhex mari doona Wasiirka 1-aad iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, hadii lagu heshiiyo Waxaa xigi doonaa Kulamada ay wada yeeshaan Farmaajo oo dhinac ah Saciid Dani iyo Sheekh Axmed Madoobe.

105770cookie-checkFarmaajo Oo Laga Dalbaday Inuu Baajiyo Safarada Dibeda