Is-Rasaaseyn Dhex Martay Ciidamada ka Wada Tirsan Dowladda Federaalka

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga soo sheegayaa is-rasaaseyn u dhaxeysa laba Ciidan oo ka wada tirsan Dowladda kuwaasoo ku sugan Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo, taasoo la sheegay iney geystay khasaare dhaawacyo oo soo kala gaaray dhinacyadaan…

Wararka ayaa sheegaya in Is-rasaaseyntaani ay dhex martay Ilaalo uu watay Madaxa Nabadsugida Degmada (NISA) iyo kuwo Milateriga ay halkaasi ku uruurisay Madaxtooyada, waxaana la sheegay inuu ku dhaawacmay Madaxa NISA ee Degmada Xasan Cibaad iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

Warar kala duwan ayaa laga soo sheegaya is-rasaaseyntaani waxey salka ku heyso dhaqaale oo laga qaado Dadka ka dhoofaaya iyo kuwa ka soo degaaya garoonka iyo dhaqaale laga qaado ganacastada degaanka, iyadoo Xiligii ugu dambeeyay ay soo kordhaayeen dhibaatada ay Ciidamada Dowladda geystay Degmooyinka Doolow, Luuq iyo B/Xaawo.

128070cookie-checkIs-Rasaaseyn Dhex Martay Ciidamada ka Wada Tirsan Dowladda Federaalka