Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Dekada Dubai (UEA)

Somalia news

Faahfaahin hordhaca ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo ka dhacay Dekada Magaalada Dubai Ee Dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo laga maqlay guud ahaan Magaalada, iyadoo la sheegay in Xoogaga Amaanka ay bilaabeen baaris la xiriirta Qaraxa…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaan uu ka dhacay Konteenar saarnaa Markab (Ocean Trader Ship) oo Sita Calanka Comoros isla markaasna maraayay meel ku dhow Dekada Jabal Al-Ali kaasoo la sheegay inuu dhaliyay dab xoogan, ilaa hadda lama khasaaraha ka dhashay.

Wakaalada Wararka Ee Reuters oo soo xiganeysa kooxaha gurmadka ee ilaalada difaaca Madaniga ayaa sheegtay inuusan jirin khasaare nafeed iyo dhaawacyo soo gaaray Shaqaalaha Markabka, waxeyna Kooxaha dabdemiska ku qaadatay 2-saacadood iney xakameeyaan Dabka.

128110cookie-checkQarax Weyn Oo Ka Dhacay Dekada Dubai (UEA)