Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Duleedka Degmada Mataban

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn xoogan oo la isku adeegsaday Hubka fudud ayaa xalay ka dhacay wadada dhanka galbeed uga baxda Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegaayo inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyadaan….

Dirirtaan oo u dhaxeysay koox ka tirsan Ciidamada Boliiska Galmudug iyo Maleeshiyaad deegaanka ah oo jidgooyada dhigtay ay halkaasi, Dhibaatana ku hayay dadka socotada ah, iyagoo dhowr qof ka afduubtay (kala degay Gadiidka), Gadiid ka yimid Magaalada B/Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan laba ka mida Ciidanka Galmudug ayaa la soo sheegaya in is-rasaaseynta lagu dilay, halka laba kalena lagu dhaawacay, iyadoo dhaawacyada askartaasi loo qaaday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Sidoo kale waxaa soo baxaya in dirirta lagu dilay dhawr ka mida maleeshiyadii la weeraray.

Maleeshiyada isbaarada Dhisaqa ku sugan waxay ka amar-qaadataa Shaqsi lagu magacaabo Xirsi Warsame Goomey, kaasoo sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Degmada Matabaan.

Inkastoo saaka ay xaaladda Degmada Matabaan degan tahay ayaa waxaa haddana laga dareemaya xiisado colaadeed iyo abaabul, iyadoo maleeshiyada Degaanka ay gurmadyo gaarayaan, halka Ciidanka Galmudug ay fillayaan in saacadaha soo socdo uu gurmad uga yimaado dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

85240cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Duleedka Degmada Mataban