Ma Dhabaa In Garoonka Diyaaradaha Waqooyiga Gaalkacyo Lagu Wareejinaayo..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news in Garoonka Diyaaradaha ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, la qorsheeyay in lagu wareejinayaa Shirkad uu leeyahay Nin Ganacsade Ethiopian ah…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Ganacsadahaan ayaa Qaadka keena Somalia gaar ahaan degaanada Puntland, waxaana loo saxiixayaa Maamulida Garoonka muddo 20-sano ah, wuxuuna balanqaaday inuu dib u dhisaayo Garoonka, waxaana horay looga qaaday Dhaqaale lagu sheegay dayactir dhabaha (Runway).

Wararka ayaa intaasi raaciyay Saxiixa heshiiskan waxaa Adis-ababa u tagay 2-xubnood oo ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasoo kala ah Wasiir Lugatoor iyo Agaasime Xoosh, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in 3-millions oo US$ ah ayeey Dowlada Puntland ka heli doontaa Ninkaas Ganacsada ah marka heshiiska la kala saxiixdo.

Mr.Deni ayaa aad u daneynaaya dhaqaalahaasi inuu helo si uu ugu adeegsado hankiisa Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka, isagoo dhawaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bosaaso u saxiixay Imaaraadka mudo 30-sano ah, wuxuuna ku qaatay dhaqaale 10-Millions US$ ah.

177430cookie-checkMa Dhabaa In Garoonka Diyaaradaha Waqooyiga Gaalkacyo Lagu Wareejinaayo..