Share the post "Is-Rasaaseyn ka Dhacday Gudaha Magaalada Garoowe & Khasaare ka Dhashay.."
Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn xalay ku dhex martay gudaha magaalada Garoowe Xoogag ka wada tirsan kuwa Amaanka, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac oo soo gaaray mid ka mid ah Ilaaladda Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland..
Wararka ayaa sheegaya in is-Rasaaseyntani ay dhexmaray ciidamo ka tirsan Ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xoogag ka tirsan Boliiska Gobolka Nugaal, xilli ay wadeen howlgallo lagula dagaallamayo hubka sharci darrada ah, iyadoo Boliisku isku dayeen iney Xoog Hubka uga qaadaan ilaalada Gudoomiyaha, kuwaasoo ku sugnaa meherad Ganacsi oo ku dhow Hoteelka Caduun.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay maalmo kaddib markii magaalada Garowe ay ka dhaceen falal amniga lid ku ah oo lagu dilay dad shacab ah, Maalin ka hor, Maamulka Gobolka iyo Laamaha Amniga ayaa sheegay iney bilaabayaan howlgallo lagula dagaalamayo hubka sharci darrada ah, si loo xaqiijiyo amniga magaalada Garowe.