Gudoomiyaha Degmada Cadale & Nabadoon oo la Toogtay Xilli ay Nabadeyn ku Howlanaayeen

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Maleeshiyo beeleed hubeysan oo todobaadyadii u dambeeyay dagaalo sokeeya ka waday degaanka ku xeeran Degmada Cadale ayaa shalay galab waxey toogteen Gudoomiye Degmo iyo Nabadoon…

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkaan oo ka soo jeeda Beesha Cabdalle Caroone ee Beelaha Abgaal, wuxuuna falku ka dhacay degaanka Caddow Uul waxeyna ku dileen Nabadoonkii Beesha Marxuum Mukhtaar Axmed Xasan, iyagoo dhaawac u geystay Gudoomiyaha Degmada kuwaasoo u joogay Howlo Nabadeed degaanka.

Xiisad ka dhalatay dilka Nabadoonka ayaa laga dareemayaa deegaanka, iyadoo beesha uu ka dhashay ay dhaqdhaqaaqyo wadaan Maleeshiyaad ku heyb ah Nabadoonka xilli xaaladu weli cakiran tahay, Colaada deegaanka Cadow Uul ayaa weli xal rasmi ah laga gaarin, iyadoo dhawaan Duubabka dhaqanka ay sheegeen in waan waanta lagu guuleystay oo heshiis la gaaray.

226830cookie-checkGudoomiyaha Degmada Cadale & Nabadoon oo la Toogtay Xilli ay Nabadeyn ku Howlanaayeen
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com