Ganacsato ka samri la’ Lacagta Shilin Soomaaliga oo sanado ka hor laga diiday Deegaannadooda 

Business Somalia news

Dhowrkii sanadood ee u dambeeyay waxaa si xowli ah guud ahaan Dalka Somalia ugu faafay adeegsiga lacagaha Elektoroniga ah (EVCPlus), talabadaan ayaa meesha ka saartay Lacagihii Shilin Soomaaliga wixii ka haray, Waxaana la adeegsadaa oo wax lagu kala iibsadaa US$ oo hawada la isku mariyo iyo in Cash ahaan loo isticmaalo…

Talaabadaan ayaa soo dedejisay iney meesha ka baxdo Shilin Soomaaliga, Cabdirisaaq Macallin Axmed oo ka mid ah Ganacsatada Degmada Cadaado ayaa shan sano kaydinaya 94 milyan oo Shilin Soomaali ah, Gadisleygaan oo ka mid ah boqollaal ganacsato ah oo iyagoo haysta lacag caddaan ah la diiday isticmaalkeeda wuxuu ku seexdaa kuna soo kacaa inay maalin uun dib u shaqayn doonto.

Ninkaan oo lahaa baqaar lagu iibiyo raashinka noocyadiisa kala duwan oo uu ka maarayn jiray nolosha saddex qoys ayaa sheegay in tan iyo markii la joojiyay lacagta Shilin Soomaaliga ay meheradiisu dhaafi waysay biilka reeraha, wuxuuna xusay in waxyaabaha ay uga samri waayeen lacagta Shilin Soomaaliga ay tahay baahiyaha ay dareemaan xilliyada ay shaqayn waayaan lacagaha taleefannada laga diro. Wuxuu tilmaamay inay xasuustaan faa’iidada ay u laheyd lacagta caddaan ah.

215930cookie-checkGanacsato ka samri la’ Lacagta Shilin Soomaaliga oo sanado ka hor laga diiday Deegaannadooda 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com