Is-Rasaaseyn ka Dhashay Dhimasho & Dhaawac oo Ka Dhacey Garoowe..

Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay dhacday israsaaseyn u dhaxeysa Xoogaga PSF iyo Ilaalo bar kontrool joogtay duleedka magaalada Garoowe, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac…

Wararka ayaa sheegaya in inta la xaqiijiyey 2 ruux oo mid ka mid ah ka tirsanaa Xoogaga Amaanka Gobolka Nugaal ayaa ku geeriyoodey 6 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaarey is rasaasayn saaka ka dhacday kantaroolka Bari ee magaalada Garoowe, xiisaadan ayaa ka dhalatay Gaari Bus ah oo loo waday Magaalada Gaalkacyo.

Iyadoo isku dhacaani uu qarxay kadib markii Xoogaga Amaanka ay isku dayeen inay horjoogsadaan laba gaari oo kayimid magaalada Boosaaso mid kamid ahna horay looga dhacay Hanti-dhawrka guud ee dowladda Puntland, iyadoo Howlwadeenada Amaanka ay sheegeen iney qateen Gaarigii Bus-ka ahaw iyo Gaari kale oo galbinaayay.

364910cookie-checkIs-Rasaaseyn ka Dhashay Dhimasho & Dhaawac oo Ka Dhacey Garoowe..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *