Madaxweynaha Oo Bilaabay la-Tashiyada Xildhibaanada & Senatarada ee Dhismaha Golaha Wasiirada

Somalia news

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Dowlad goboleedyada, iyadoo uu qeyb qeyb u qaabilayay, waxaana la sheegay in Gudoonka Labada Aqal & Xildhibaano ay ka biyo diideen tiro ka mid Qorshaha xulista Golaha Wasiirada…

Kulamadan ayaa ujeedkooda ahaa sidii Xildhibaannada ugu qancin lahaa Golaha Wasiirada la soo magacaabayo iyo sidii ay u taageeri lahaayeen, iyadoo Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan Xulashada xubnaha Beesha Dhulbahante, waxaana liiska laga saaray Cabdulaahi Bidhaan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii caawa ee Madaxweynaha la qaatay Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ay gebi ahaanba ka baaqsadeen Xildhibaannada Beesha Murusade, Xasan Cali Kheyre oo sal-dhigtay caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa doonaya in isaga laga talo galiyo shaqsiga beeshiisa ku matali doona Xukuumadda cusub taas u muuqata mid aan macquul ahayn.

Halka Xildhibaanada Beelaha Digil & Mirifle oo uu maanta la balansan yahay Madaxweynaha iney diideen in Masiirkooda uu shaqsi go’aamiyo, waxeyna ku eedeeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu talada isku koobay.

204630cookie-checkMadaxweynaha Oo Bilaabay la-Tashiyada Xildhibaanada & Senatarada ee Dhismaha Golaha Wasiirada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com