Shirka Caalamiga ah ee Amniga Cuntada ee London & Kaalinta Dowladaha UAE & UK…

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo magaalada London Shirka Caalamiga ah Amniga Cuntada kaasoo la filaayo inay ka qeyb galaan Wakiilo Dowladeed, Hey’ado Gargar iyo NGO-da, Shirka Caalamiga ah ee Amniga Cuntada, inkastoo uu Shirku wajahaya eedeymo takoor ah…

Waxaa la sheegayaa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa Sooranka UK(FCDO) cadaadis lagu saartay inay ka reebto Xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaalida, Wararka ayaa sheegaya in Xiisadda ku gedaaman xaalada Shirka ay cirka isku sii shareertay, Howlwadeenada Safaarada Somalia ayaa si adag uga hadlay, iyagoo ka wareejiyay xaflada ka dhici lahayd hoolka Gloucester Millennium una wareejiyay Harrow kadib markii la baajiyay, Xaaladaan soo korortay waxay u baahan tahay feejignaan degdeg ah iyadoo sii kordhaya sida looga niyad jabsan yahay iyo cadaadiska diblomaasiyadeed.

Safarka Madaxweynaha oo markii hore mugdi iyo muran ka dhaliyay qiimaha Kirada Diyaarada nooceedu yahay T7-KLCPM NOMAD AVIATION GULFSTREAM G550, oo laga leeyahay Dalka Italy, isagoo khubad ka jeedin doonaa Madasha The Royal United Services Institute ( RUSI), wuxuuna uga hadli donaa dagaalka ay Maamulkiisu kula jirto Kooxda Shababka, Abaaraha iyo Fatahaadaha.

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Dalka Somalia ay xiligaan ka howlgalaan 5000 oo NGO ah, iyadoo Hey’adahaan la sheegay iney ka howlgalaan 2000 oo Hey’adood ay ka howlgalaan Degaanada Konfurta iyo Bartamaha Dalka, Halka degaanada Waqooyiga ay ka howlgalaan 2000 oo NGO, Degaanada Puntland ayaa sidoo kale ka diiwaan gashan 1000 NGO.

288480cookie-checkShirka Caalamiga ah ee Amniga Cuntada ee London & Kaalinta Dowladaha UAE & UK…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com