Maxey Dhan tagay Rajada Dowladda Federaalka ka Qabto in la Qaado Xayiraada Hubka…

Somalia news

Maamulka Xasan Sheekh ayaa dardar geliyay ololaha ku aadan in la soo gabgabeeyo Cunaqabateynta hubka ee saaran Dalka, iyagoo muddo sanado ah waday Olole balaaran oo culey lagu saaraayo Golaha Amaanka ee UN-ka oo dhankiisa waday geedi socod barbar socda Cunaqabateynta Hubka lagu saaraayo Dowladda iney qaado Dagaal looga adkaanayo Kooxaha Argagixisada…

Todobaadkii tagay ayeey aheyd markii ay Golaha Amaanka & Nabada ee AU-da ay sheegeen in Golaha Amaanka ee UN-ka ay tixgeliyaan “Codsiga soo noqnoqday ee Somalia looga qaadaayo xayiraada saaran”, Golahaan oo la tacaalaya khataraha Amni ee Qaarada Africa ayaa sheegay in xiligaan ay ku haboon tahay in Cunaqabateynta Somalia laga qaado, si wax looga qabto khataraha Amni ee ka bixitaanka Ciidamada ATMIS ka hor ee 31-ka Decembar 2024-ka.

Somalia ayaa waday sanadihii ugu dambeeyay olole balaaran kuna aadan qaadista Xayiraada hubka, waxeyna rajeyneysaa in bisha dambe ay soo gabagaboobo Cunaqabateynta Saaran 33-dii sano ee u dambeysay, Maamulka Villa Somalia oo todobaadkii tagay ku celiyay in xayiraadaasi ay wakhtigeedii dhaaftay kadib markii ay marti gelisay Wafdiga Xoghayaha guud ee QM kaasoo soo gaaray Caasimada Mogadishu.

252130cookie-checkMaxey Dhan tagay Rajada Dowladda Federaalka ka Qabto in la Qaado Xayiraada Hubka…