Villa Hargeysa oo Laga wareejinayo Doorashada Guddoonka  2-Aqal

Somalia news

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka guddoonka Golaha Shacabka, ayaa sheegay in ay baaritaan u baahan tahay rasaas haleeshay matoorkii qaboojiyaha xarunta uu ku shaqeeyo guddiga ee xarunta Villa Hargeysa…

Xildhibaanka oo sheegay in doorashada gudoonka laga wareejin karo xarunta Viila Hargaysa, isagoo ku sababeeyay in labadii fadhi u dambeysay ee Golaha Shacabka mar lagu soo tuuray Hoobiye shalayna oo xabad lagu dhuftay Qaboojiyaha xarunta Villa Hargeysa oo kuleel badan uu ka dhashay.

Gudoomiyaha guddiga ayaa sheegay in dedaal xooggan ay geliyeen sidii loo baddeli lahaa haanta Gaaska Qaboojiyaha ee Xabadda ku dhacday si aanay u baaqan hadal jeedinta musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS.

“Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday” Ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo soo noqday wasiirka amniga Somalia.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 12-kii saac ee u dambeysay xarunta Villa Hargeysa laga dareemay dhaqdhaqaaq Ciidan iyadoo Ciidamada Boliiska Dableyda Madaxtooyada ay isku gedaameen Xaruntaasi, waxaana laga cabsi qabaa iney carqaladeeyaan Dooraahada Gudoonada Labada Aqal.

184780cookie-checkVilla Hargeysa oo Laga wareejinayo Doorashada Guddoonka  2-Aqal