Is-Rasaaseyn Sababta Dhimasho & Dhaawac ka Dhacay Duleedka Beledweyne & Sababta..

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Is-rasaaseyn shalay durhurkii ka dhacay Degaanka Ilkacade qiyaas ahaan dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ilaa 25-KM, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimaasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay…

Wararka ayaa sheegaya in Makeeshiyaad taabacsan Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan ay xirtern wadada laamiga ah ee isku xirta degaanada Gobolada Waqooyi iyo Magaalada, kadib Markii ay kordheeyn Maleeshiyaadka hubeysan ee isbaarooyinka dhigtay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Matabaan, kuwaasoo dhibaato ba’an ku haya Dadka socotada ah iyo Gaadiidka.

Inta la xaqiijiyay 2-Qof ayaa ku geeriyootay dagaalka labo Maleeshiyo 2-kalana way ku dhaawacmeen, iyadoo wali Degaanka laga soo sheegaya xaalad kacsanaan, maadama labada Maleeshiyo wali is-horfadhiyaan, Gaadiidleyda waxay joojiyeen dhamaan isku socodka gaadiidkii qaadi jiray qudaarta, xoolaha iyo raashinka ee ka bixi jiray Baledweyne, waxayna sheegeen in wadadaas ay xirnaan doonto ilaa xal rasmi ah looga helayo isbaarooyinka tirada badan ee yaala.

344270cookie-checkIs-Rasaaseyn Sababta Dhimasho & Dhaawac ka Dhacay Duleedka Beledweyne & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *