Ugaarsi & Beegsi Lagu Hayo Soomaalida Socotada ee Isticmaala Treenka Djibouti-Ethiopia

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa ugaarsi & Beegsiga si gaar loogu hayo Shacbiga Soomaaliyeed ee istimaala Treenka Djibouti & Ethiopia gaar ahaan degaanka Siti, iyadoo la sheegay in Soomaalida laga dejiyo Treenka kadibna dil iyo xabsi sharci darro ay u geystaan Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Cafarta…

Warbixinada laga helaayo Degaanka Somalida Ethiopia ayaa sheegaya in ololahaan isir sifeynta ah ay sidoo kale qeyb ka yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Ethiopia kuwaasoo ku gacan siiya Maleeshiyaadka Cafarta, waxaana Maamulka Jigjiga lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay wax ka qabashada dhibaatada iyo tacadiya lagu hayo Soomaalida.

Somalida ku dhaqan degaanadaasi iyo kuwa socotada ah ayaa looga digay iney isticmaalaan Treenka Djibouti-Ethiopia iyo degaanada ku xeeran Siti, waxaana loogu baaqay iney ka qeyb qaataan iska caabinta xulufada beegsiga ku haya Soomaalida.

207040cookie-checkUgaarsi & Beegsi Lagu Hayo Soomaalida Socotada ee Isticmaala Treenka Djibouti-Ethiopia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com