Is-Rasaaseyn Xalay Ka Dhacay Dhuusa mareeb

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa is-rasaaseyn khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug kaasoo dhexmaaray ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in is-rasaaseyntaan oo aan la ogeyn sababta ay ku bilaabatay, balse ay dhexmaray ciidamo ku sugnaa bar Kontrol oo gaadiidka lagu baaro iyo ciidamo kale oo wadada maraayay kuwaasoo kala shakiyay.

Is-rasaaseyn xooggan oo muddo kooban socotay ayaa la sheegay iney ciidamada dagaalamay isku weydaarsadeen magaalada taasoo khal khal badan iyo cabsi ku abuurtay shacabka.

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay iney ku dhinteen halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan halkaas.

79220cookie-checkIs-Rasaaseyn Xalay Ka Dhacay Dhuusa mareeb