Fashilka Safarka Rooble Ee Garoowe

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garoowe kulamo kula qaatay qaar kamid ah isimada soo jireenka iyo waxgaradka deegaamada Puntland, isagoo kala hadlay Xiisadaha u dhaxeeya Maamulka Farmaajo iyo Kan Puntland…

Xubnaha uu Ra’iisul Wasaare Mr.Rooble kula kulmay magaalada Garoowe waxaa kamid ahaa Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan, Boqor Cabdullaahi Dabagooye iyo qaar kale oo kamid ah isimada ku sugan magaalada Garoowe, Kulamada Ra’iisul Wasaaraha iyo isimada ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, doorashooyinka 2021 iyo doorka isimada dhaqanku ay ka qaadan karaan xal u helidda khilaafyada siyaasadeed ee Somalia ka taagan.

Mr.Rooble ayaa ka codsaday Isimada uu la kulmay inay Madaxweynaha Puntland ku qanciyaan soo magacaabista guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo ka tanaasulka qodobada uu diidan yahay.

Xogtaan ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.con news in Isimada ay Ra’iisul Wasaaraha u sheegeen inay ka shaqaynayaan midnimada Shacbiga iyo xal u helidda xaaladaha taagan haseyeeshee aysan go’aamin karin arrimaha siyaasiga ah ee Puntland ayna arrintaas uga dambeeyaan madaxda dowladda Puntland.

79190cookie-checkFashilka Safarka Rooble Ee Garoowe