Kooxda Argagixisada Shababka oo lagu Eedeeyay iney Burburiyeen Ceelal & Taawaro Isgarsiineed

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa fal ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shababka, kuwaasoo ku ciqaabay Dadka degaanka xilli abaaro iyo biyo la’aan baahsan ay ka jirto Guud ahaan Dalka gaar ahaan Degaanada Galmudug…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka ayaa gubay Ceelbiyoodyadii ku yiil degaanada Cadakibir iyo Maarsamage oo Galgagduud iyo Mudug ka kala tirsan, Sidoo kale waxay qarxiyeen taawaradii Isgaarsiinta Cadakibir, waxaana Ateenadu ka go’antahay Degmada Baxdo.

Wararka ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay ku duqeeyeen Maleeshiyaad (Shababka) isku uruursay tuulooyinkaas oo ay iskugu diyaarinayeen dagaal ay ku qaadaan degmada Baxdo, waxaana la sheegay in Dadka degaanka ay cabsi xoogan soo food saartay falalkaan naxariis darrada ah ee lagu burburiyay Ceelsha iyo Taawarada Isgaarsiinta.

211050cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka oo lagu Eedeeyay iney Burburiyeen Ceelal & Taawaro Isgarsiineed