Maxaa ka Hortaagan in Xal loo helo Dhibaatada Doorashada ee Degaanada Puntland..

Somalia news

Iyadoo Degaanada Puntland 25-kii sano ee lasoo dhaafay ay ku sugneyd Demuqaraadiyad maqaar ah oo runtu adkeyd in leysku sheego, Maamulkana 3-Jufo ay meerto ku maamulaayaan, Canshuuraha iyo Misaaniyada aan la sameynin xisaab celin, Cadowga ugu weyn ee ay leedahay uu yahay hubka gacanta loo gasho Maleeshiyaada Beelahaasi..

Dad badan baa khilaafka iyo is-jii-jiidka xiligaan ee siyaasadda cakiran u haysta inay kama dambeys tahay oo idaacadaha ka qaylinaya 24/7, Dadkaas ha ogaadeen in 5 sano oo kasta Puntland filimkaas la daawado, oo ay qarka u saarmaan dagaal sokeeye, hase yeeshee nin kasta oo madax noqdaa xataa iskuma deyin inuu xal waara u raadiyo arrintaasi balse Kursiga ayuu isku dhejiyaa.

2019, Deni baa ugu xag-jirsanaa Musharixiinta, isagana la doortey, haddana kan ugu xagjirsan baa la dooran doonaa, Waxaan ku talinayaa in aan laysku fogaan oo si miyir ah duruuftan loo wajaho, hadii kale sikastoo Kabaabyeeyo ama loo suuxiyana waa qarxaysaa dhibaatadaan, Shacabkana lacagtoodii Canshuur ahaanta looga boobay ayaa lagu dilayaa, laguna barakicinayaa.

Puntland xiligaan waxey u baahan tahay dib u qaabeyn iyo dib u heshiisiin dhab ah oo guud kaasoo horseedi kara xalka xaalada cakiran, lagan gudbaa Doorashada 3-da Jufo, Ogaada, Muxaafid & Mucaarad, qofkii dagaal horseeda inuusan heli doonin Dal & dad uu xukumo.

288770cookie-checkMaxaa ka Hortaagan in Xal loo helo Dhibaatada Doorashada ee Degaanada Puntland..