Isbitaal Weerar Lagu Qaaday

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegay weerar ay Xoogaga Amaanka oo ka tirsan Boliiska ay xalay ku qaadeen isbitaalka Somali Sudanese qeybta xaafada laba dhagax ee degmada Wardhiigley…..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamada ay rasaas u adeegsadeen iney gudaha isbitaalka u galaan, inkastoo aysan jirin Bukaan iyo shaqaale uu khasaaro ka soo gaaray Howlgalkaasi, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Jirdilo loo geystay qaar ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka.

Ujeedada dhabta ah ee Howlgalkaan ayaan caddeyn iyo sababta ka dambeysa, iyadoo Saraakiisha Hey’adaha Amaanka ay ka gaabiyeen iney sugaan Amaanka Magaalada isla markaasna dhowraan shuruucda iyo Daatuurka Dalka, waana wax la la yaabo in Weerar qaawan lagu qaado Isbitaal ay bukaano jiifaan.

65950cookie-checkIsbitaal Weerar Lagu Qaaday