Culeys Saarka Caalamka Ee Soomaalida Ma Najixi Doonaa

Somalia news

Waxaa si is a joogo ah u soo dhacaaya Fariimaha ay soo Dirayaan Dowladaha iyo Ururada daneeya Arrimaha Somalia, sida UN-ka, EU-da, USA, AU, IGAD iyo Norway, iyagoo culeys ku saaraya iney ku heshiiyaan Khilaafka Doorashada Hogaamiyayaasha siyaasada xiligaan, si loo helo Dowlad dhibaatada taagan ka saari karta, hadii kale Chapter 7 Ee Axdiga Qaramada Midoobay ha la raaco….

Kuxigeenka Madaxa EU-da ayaa sheegay “Heshiis la’aanta hadda taagan waxey dib u dhigeysaa is-beddelada deg-dega loogu baahan yahay, taasoo dhaawaceysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed”.

“Kuwa diidan wadahallada ee ka shaqeynayana rasbhado ama dib u dhac in laga qaadi doono tallaabo ku haboon,islamarkaana ay la kulmi doonaan caawiqabta ficilladooda”Ayuu yiri M.xigeenka Midowga Yurub.

Hadalka kasoo baxay Midowga Yurub waa mid ay ka muuqato masuuliyada fahan waaqici,xog ogaalnimo iyo dhexdhexaadnimo, Ilaa iyo hada cida hor taagan heshiis doorasho xor iyo xalaal ah lagu galo waa Farmaajo.

Sidoo kale cida wakhtigii sharciga ahaa uu ka dhamaaday welina wareejin la’a awooda kuna sii dhex jooga hoyga looga arimiyo dalka si aan dastuurka waafaqsanayn waa Farmaajo.

104300cookie-checkCuleys Saarka Caalamka Ee Soomaalida Ma Najixi Doonaa