Loolanka Awooda Ee Shababka Iyo Saameynta NISA Afduubyada

Somalia news

Warbixino hordhac ay oo laga helay Ilo wareedyo Sirdoon ayaa sheegaya in Loolanka adag Ee Xilka Hogaaminta Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ay saameyn ku yeelatay waan waarna iyo Siideynta Labada Dhakhtar Ee u dhashay Dalka Cuba, sidoo kale Waxaan ka marneyn Saameynta NISA iyo Sirdoonka Dooxa…

Inkastoo aysan jirin cid si dhab ah u xaqiijin karta Sababaha loo hakiyay Siideynta labada Dhakhtar Ee Cuba u dhashay kuwaasoo la sheegay in heshiis is-afgarad laga gaaray dhaqaalena la balanqaaday, hadana waxaa soo baxaaya in 3-sababood loo hakiyay Siideynta.

-Ineysan Saameyn ku yeelan Siideynta 2-da Dhakhtar Dowladda Kenya mid dhaqaale iyo mid sii deynta Labada Dhakhtar.

-Daaweynta Horjoogihii hore Oo Xanuunsan oo ku mashquulsan Labada Dhakhtar iyo Tababarida Dhakhaatiir Kooxda leedahay.

-Hogaanka NISA iyo Sirdoonka Dooxa oo dhaqaalaha si hormaris ah diyaar la ah Balse shuruudo cusub ku xiran.

Saxaafada Cuba iyo Kuwa Maxaliga ah ayaa baahiyay in Hogaanka NISA iyo Sirdoonka Dooxa ay saameyn xoogan iyo galaagan ku leeyihiin Labada garab Ee uu qeybsan tahay Kooxda Shababka, iyagoo Boggs Twitter-ka NISA lagu faafiyay Khilaafka Kooxda dhexdeeda ah iyo Isbedelka Hogaanka Kooxa lana magacaabay Horjooge Abuukar Aadan oo kuxigeenka 1-aad ka ahaa, kadib markii uu xanuun dheer hayay Horjoogaha Kooxda Howlgab ka dhigay (sariir jiif), inkastoo ay garabka Horjooge Mahad Qaley uu ku gacan seyray.

Hogaanka NISA ayaa xiligaan madax ka ah Adeege Fahad Yasin ah a Gacanta Midig Ee Madaxweynaha (Farmaajo) xiligiisa sii dhamaanaya, waana Shaqsiga ugu awooda badan Maamulka Fashilmay, ayaa xiriir aan qarsooneyn la leh kooxaha argagisixada isla markaasna ka tirsan Koox diimeedka Al-Ictisaam ee mayalka adag, isagoo sidoo kale shaqaale u ah Sirdoonka Qadar, waana ayaan darrada xiligaan heysata Hey’adda Sirdoonka Somalia.

65980cookie-checkLoolanka Awooda Ee Shababka Iyo Saameynta NISA Afduubyada