Afduubka Caruurta Iyo Xeerka Jinsiga iyo Galmada Maxaa Isku Xiray

Somalia news

Tan iyo markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay diideen iney ansixiyaan Xeerka Jinsiga iyo Galmada, ayaa Waxaa sii xoogeystay Ololaha afduubka Caruurta iyo Kufsiga ee ka dhacaaya Degmooyinka Gobolka Benadir, Iyadoo Dowladda iyo Xoogaga Amaanka ay ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan Falalkaan…

Iyadoo Falalkaan ay noqdeen kuwo qorsheysan oo sida loo xaqiijiyay laga soo abaabulo goobo cayiman ayna ku lug leeyihiin Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka, Xoogaga Hubeysan Ee NISA iyo Ciidamada, kuwaasoo qandaraas lagu siiyay si loo cabsi geliyo Shacbiga Magaalada Isla markaasna looga sii jeediyay Dhibaatada Dhaqaale, jidadka Xiran iyo Doorashada.

Hadal heynta ugu weyn ee degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan noqotay caruur badan oo qori caaradiis (Bastoolad) lagu afduubtay, qaar la kufsaday, iyo wararka sheegaya in la soo qabtay kooxo afduubta caruurta iyo haweenka, iyadoo aysan dhanka Dowladda aysan jirin iney la wadaageen Warbaahinta.

Dhamaan sheekooyinkaas iyo dhacdooyin barbar socda ayaa sabab u noqday in waalidiin badan caruurtooda ka joojiyaan waxbarashada halka qaar kalane ay dantu ka kaliftay in goobaha waxbarasha geeyaan sidoo kalane ay ka soo celiyaan, isla markaasna ay u sameystaan ilaalo Hubeysan.

Hadaba Caruurta ay Waalidiintooda aysan awoodin iney Ilaaliyaan yaa u maqan, Maxeysa Dowladda Federaalka iyo Hey’adaha Amaanka uga gaabiyeen iney ka hortagaan Falalkaan qorsheysan Ee laga soo abaabulo guryo ku yaal Magaalada Muqdisho, iyadoo la zaqiijiyay in Mashruucaan ay ka dambeeyaan Dowladaha Taageerada dhaqaale ku bixiyay sidii loo meel marin lahaa Xeerka Jinsiga iyo Galmada.

65920cookie-checkAfduubka Caruurta Iyo Xeerka Jinsiga iyo Galmada Maxaa Isku Xiray