Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay warbixino welwel xambaarsan oo ku aadan Isku milanka iyo xiriirka wada shaqryneyd ee Hogaanka NISA iyo Qeybo ka mid ah Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka, kaasoo gaaray heerkii ugu sareeyay…
Ilo wareedkaan ayaa tibaaxay, in Agaasimaha Hey’adda NISA iyo kuxigeenkiisa ay xiriir toos ah oo wada shaqeyneyd iyo Iskaashi Dhanka dilalka qorsheysan, xuuraanka Siideynta Afduubayasha iyo qeybsiga Madax furashada iyo xogo is-dhaafsiga ay la leeyihiin Horjoogaha Guud ee Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, Waxaana daliil u ah in Wararka la xiriira Khilaafka Kooxda dhaxdeeda ah ay la safatay Horjoogaha guud, Sida Ku cad Twitter-kan hoose ku xusan.
Sidoo kale Dhowaan Ayaa Dowladda Somalia warbixin Qoraal hordhigtay Golaha Amaanka, iyagoo ka codsaday in Cunaqabateyn la saaro Kuxigeenka 1-aad Ee Horjoogaha Shababka Mahad Karatee ( oo Ah shaqsiga ugu awooda badan Kooxda dhexdeeda), Horjooge Abuukar Cali Aadan iyo Macallim Ayman Horjoogaha Maleeshiyaadka Ayman, Qararkaan ansixintiisu ayaa u baahan in dhamaan xubnaha Golaha Amaanka ay wada oggolaadaan si loo meel mariyo.
Dhanka kale, Waxaa Saraakiisha Amaanka aad welwel iyo Cabsi ka qaadeen sideynta fudud ee Maxaabiista Shababka ah ee ku xiran Xabsiga dhexe, Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka soo baxsaday Shababka oo 3-sano Ee ugu dambeysay ay dhamaantood ka soo Wada jeedaan Gobolka Gedo, kuwaasoo si fudud loogu qoro Hey’adda NISA, isla markaasna laga howl geliyo Magaalada Mogadishu iyo Dowlad Goboleedyada.