Ciidamo Gadood Sameeyay Oo Qabsaday Garoonka Diyaaradaha Ee Doolow

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa in Qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gorgor ee laga howlgeliyay degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sameeyay gadood ay ku dalbanayaan in dib loogu celiyo Muqdisho oo ay ka soo jeedaan Ciidamadaan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in tirada Ciidankaan oo ku dhow 50 Askari ayaa gaadiid ay leeyihiin dad rayid ah ka soo afduubtay Magaalada Beladxaawo waxeyna ku tageen Degmada Doolow oo u jirta qiyaastiii 28-KM, iyagoo muddo 24 saac ah hakad geliyay shaqada garoonka.

Qaar kamid askarta gadoodsan ayaa sheegay in ay sugayaan diyaarad soo caga dhigata garoonka Doolow oo ay usoo raacaan Muqdisho, iyadoo laga soo sheegaayo Degmada Doolow xaalad kacsanaan ah, Villa Somalia ayaa la sheegay iney Ethiopia weydiisatay taageero si loo soo af jaro qalalaasahaan.

Dadaalo ay sameeyeen Mas’uuliyiinta labadaasi Degmo iyo Saraakiisha Ciidamada oo lagu baajin lahaa gadoodka ciidankaan ayaa guuldareestay waxaase amar lagu bixiyay in aan wax iska caabin ah lagu sameynin maadaama ay qabsadeen garoonka Doolow.

119980cookie-checkCiidamo Gadood Sameeyay Oo Qabsaday Garoonka Diyaaradaha Ee Doolow