Farmaajo & Iibsiga Guryaha Uganda Iyo Eritrea

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Mr.Farmaajo iyo Afadiisa ay Guryo ka iibsadeen Dalalka Eritrea iyo Uganda, Iyadoo dhaqaalaha laga bixiyay laga Dhacay Canshuuraha laga qaado garab raratada iyo Gadisleyda Magaalada Muqdishu….

Ilo wareedkaan Ayaa tilmaamay Safarkii ugu dambeeyay ee uu Mr.Farmajo ku tagay Caasimada Eritrea ee Asmara uu lasoo wareegay furaha guriga uu gatay, waxaanse la ogeyn inuu degi doono, iyadoo Muddo xileedkiisu Maamulka Villa Somalia uu dhamaad yahay.

Halka Afda Madaxweynaha Mrs.Seynab Macallin oo maalmahaan ku sugneyd Magaalada Kampala si ay uga qeyb gasho Warshad Sonkorta soo saarta oo ay Saami ku leedahay, ayaa waxey soo kormeertay ilaa saddex guri oo ku yaal magaalada Kampala waxaana xogta aay sheegeysaa iney ku qanacday guri ku yaal xaafadda Kiwatulu oo ku taal duleedka magaalada Kampala, kaasoo ka kooban lix qol.

Marwo Saynab ayaa ka mid ahayd wafdi uu horkacayay RW/X Mahdi Guuleed oo halkaa u tagay ka qeyb galka furitaanka Warshad sameysa sokorta oo aay furatay Mrs.Amina Hersi oo ah haweeney (Beesha Isaaq) Soomaali ah, Wararka ayaa sheegaya in Wiilka (Jananka) uu dhalay Madaxweynaha Uganda ayaa saamiga ugu badan ku leh Warshada Sonkorta.

68430cookie-checkFarmaajo & Iibsiga Guryaha Uganda Iyo Eritrea