Ma Dhabaa In Farmaajo Uu Ciidamo Eritrean Ah Dalbaday

Somalia news

Xuuraano loo qaateen ah oo ku dhow Saraakiisha Sirdoonada Ee Ka howlgala Somalia ayaa laga soo xigtay in Welwel badan laga qabo Saameynta iyo fara gelinta uu kaligii taliyaha Eritrea Mr.Isaias Afwerki ku hayo Siyaasada gudaha Ee Somalia, isagoo xiligaan qorsheeyay inuu Ciidamo u soo diro…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.con news u xaqiijisay in Mr.Afwerki oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo uu u oggolaaday in in 500 Ciidamada Khaaska ah ee dalkaasi u soo diro Somalia si ay Amaanka Villa Somalia ula wareegaan kadib markii Ciidamada Amisom (Uganda) laga aamin baxay.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Dowladda UEA ay wado dadaalo ay culeysyo ku saareyso Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Eritrea iney faraha kala baxaan Arrimaha gudaha Somalia, islamarkaana ay joojiyaan taageerida Milateri iyo Saadka ay u fidiyaan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

97370cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo Uu Ciidamo Eritrean Ah Dalbaday