La taliyaha Amniga Villa Somalia Eedeysane Fahad Yaasiin ayaa dhammaan awoodda Xafiiska ku wareejiyay Wasiirka arrimaha dibadda horraantii December-2, si uu ugu gacan banaanaado arrimaha Boobka Doorashada iyo ololaha Farmaajo iyo howlaha adeega Sirdoonka Qatar…
Talaabadaan ayaa jahwareer ka dhex abuuray Xafiisyada Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda iyo Dalalka Qatar iyo Turkey ee ka caawiya amniga kadib markii lagu wargeliyay in ay hoos tagaan wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Sida ay muujisay xaashida summaddeedu tahay OP/NSA/246/021 oo soo baxday 2-Dec-2021 kuna saxiixan yahay la taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, la taliyaha ayaa socodsiinta Waajibaadkiisa shaqo ee ku aaddan Amniga Qaranka waxa uu u xilsaaray Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somalia Cabdisiciid Muuse Cali.