Diyaaraha Dagaalka Ciidamada Mareykanka Oo Duqeyn ka Fuliyay Bariga Sanaag..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa ka baxaaya Duqeyn ay Diyaaradaha (Drones) Dagaalka Dalka Mareykanka ka geysteen shalay Abaaro Duhurkii Tuulo u jirta degaanka Balidhidhin 25-KM dhinaca Dhadaar, iyadoo ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho badan iyo Dhaawwcyo kala heer ah..

Wararka ayaa sheegay in 2-Gantaal lagu weeraray goob ay ku kulansanaayeen Maleeshiyaadka Kooxda Daacish ee ka howlgasha Buulareyda ah ee Gobolada Bari iyo Sanaag, in ka badan 50-ka mid ah Maleeshiyaadka kooxdani ayaa la sheegay in lagu dilay inkastoo aan la xaqiijin karin tirada, waxaana laga gubay 7-Gaadiidka dagaalka.

Dhanka kale, waxaa Dadka degaanka ay soi warinayaan inuu dib uga qarxay Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaadka Kooxaha Shababka iyo Daacishta Somalia, iyadoo dagaanada lagu dagaalamaayo ay kaka yihiin kuwa hoosta ku xusan:-

-Dhadaar
-Dhaban caddo
-Ceel ileed
-Baraagaha Il
-Cameero

304940cookie-checkDiyaaraha Dagaalka Ciidamada Mareykanka Oo Duqeyn ka Fuliyay Bariga Sanaag..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com