Haween Oo Cabasho ka soo Saaray Dhibaatada Machinada Dharka..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogay in Koox Haween Xoogsato ah oo Magaalada Mogadishu Dharka ka dhaqi jiray ay cabsho ka soo saareen tirada sii kordheysa ee Qalabka Dharka lagu dhawo oo Guryaha Caasimada ku soo badanaaya kuwaasoo shaqo la’aan dhigay Haweenkaan…

Wararka ayaa sheegay in qiyaastii 250-Haween xoogsato ah oo ku nool Xerada Cadaale ee Degmada Dayniile, ay cabasho ka muujiyeen korarka tirada Shirkadaha Machinada dharka ku dhaqa iyo Machinada guryaha la dhigto, kuwaasoo la wareegay shaqadoodii maalinlaha aheyd isla markaasna ka macaashi jiray 5-7 US$ maalintii.

Maryan Cali Booley iyo carruurteeda ah oo barakacayaal ah ayaa waxay saddex bil ee u dambeysay wajahayaan raashin yari, Hal waqti oo habeenkii ah ayeey cunaan raashin bisil oo ay ka soo qaataan qoys ay qaraabo yihiin, Waxay horay ugu tiirsanaayeen shaqo dhar-dhaqis ah oo ay ka maarayn jirtay noloshooda qoyskeeda.

Haweenaydaan ayaa tilmaantay in Shirkadaha Dharka dhaqa ay shaqo ka raadsatay, balse ay la qabsan waysay qalabka ay ku shaqeeyaan, Waxaan koronto waaye haddii ay kugu dhagto adilee ma dhimanaysidoo?  Haddii ay kugu hallowdo waa adiga madaxaaga. Aniga intee ka keena maskiintan leeba ahaye, Aniga ilmooley baan ahay mana haysto cid igarab istaagaysa haddii lay xirto.”

262170cookie-checkHaween Oo Cabasho ka soo Saaray Dhibaatada Machinada Dharka..