JUBBALAND OO EEDEYN U JEEDISAY DOWLADDA FEDERAALKA

Somalia news

Jubbaland ayaa hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka (NISA) iyo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ku eedeesay inay faragin ku burburiyeen maamulka heer degmo iyo heer gobolka ee Gedo.

War-saxaafadeedka soo baxay maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in NISA iyo xafiiska madaxweyne Farmaajo tan iyo dhammaadkii sanadkii hore gobolkaas ku soo daabulayeen ciidamo loo isticmaalay dano siyaasadeed iyo abuurida jabhad cusub oo sababtay in ay degmada Baladxaawo ka barakacaan dad ka badan 50,000 oo qoys.

Maamulka Gedo ee Jubbaland ayaa dowladd federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda Gedo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka degay magaalada Muqdisho, sidoo kale shirkii Dhuusamreeb 2, ay dowladda federaalka iyo Jubbaland ku heshiiyeen in la dhameeyo xiisadda gobolka Gedo.

58120cookie-checkJUBBALAND OO EEDEYN U JEEDISAY DOWLADDA FEDERAALKA