Xiriirka Ka Dhaxeeya Dalka Iiran Iyo Kooxda Shabaabka (Maqaal)

Somalia news

Tan iyo intii dhidibada loo taagan qaab dhismeedka Kooxda Argagixisada ee Shababka 2002-dii, waxaana soo shaac baxaayay xiriir qarsoodi ah oo u dhaxeeya Kooxda iyo Sirdoonka dalka Iiran, kaasoo salka aan ku heynin arrimaha Caqiidada, balse la isla qiray iney tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodaha iyo saameynta Dalalka Mareykanka iyo Sacuudiga oo naceyb kala dhaxeeyo dalka Iiran…

Aqoonyahannada ku xeel dheer dheer arrimaha gudaha iyo amaanka ee Somalia ayaa isla qiray in Faslasafada iyo ujeedooyinka dalka Iiran sida dadban maalgeliyaan kooxaha argagixisada ay tahay sidii marinka baabul mandab iyo xeebaha Somalia looga sifeyn lahaa Ciidamada USA, Sacuudiga, UAE iyo Israel, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in dalalka UAE iyo Israel ay dhowaan Fariisimo Ciidamo ka hirgelin doonaan Jasiirada Suqadara oo ku dhow xeebaha Gobolka Bari ee Puntland Somalia.

Kooxda Shababka oo gacan saar la leh Ururka Al-qa’ida oo sida la ogyahay xiriir iskaashi oo qarsoodi kala dhaxeeyo sirdoonka Iiran, inkastoo aragtiyo kala duwanaan ku dhisan dhanka fekerka iyo Caqiidada gaar ahaan colaada Sunnida iyo Shiicada, ayaa hadana la tilmaamaa iney ka mideysan yihiin sidii Gobolka Bariga dhexe iyo Geeska afrika looga sifeyn lahaa USA.

Saraakiil sirdoon ayaa u xog warramay Diinah.com news u xaqiijiyay in Dalka Iiran uu taageero isugu jirta mid maaliyadeed, Sahay iyo Saad uu ku taageero kooxda Shababka, waxeyna sidoo kale gataan shuxnado dhuxul ah oo Ganacsato gacan saar la leh Kooxda shababka u iib geeyaan dekebada Dubai kadibna lagu wareejiyo Ganacsato Iiran ka soo jeeda, kuwaasoo u daabula debeko ku yaal dalkaasi.

Prof.Kabire oo ka faalooda Arrimaha gudaha ayaa sheegaya in xiliyadii u dambeeyay ay dalka ku soo badanaayaan Muwaadiniinta Soomaalida ee qaadanaaya Fekerka Shiicada, iyadoo ay dadkaasi looga faa’iideysanaayo dhaqaale yarida iyo baahida heysa, wuxuuna intaasi raaciyay in mustaqbalka dhow ay dhici karto in kooxaha Soomaalida ee qaatay Shiicada ay saameyn ku yeelan doonaan siyaasada iyo dhaqaalaha dalka, iyagoo laga yaabo iney bilaabaan fulinta howgalo lagu dhibaateenaayo danaha USA iyo xulafadiisa.

58070cookie-checkXiriirka Ka Dhaxeeya Dalka Iiran Iyo Kooxda Shabaabka (Maqaal)