Warbixin La Xiriirta Kulamadii Shalay iyo Xalay Dhacay

Somalia news

 Macluumaad ayaa kasoo baxaya kulamadii shalay ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Madaxeynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia, kadib markii si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho…

Dhammaan kulamadan ayaa intooda diiradda lagu saaray arrimaha doroashooyinka dalka, heshiiskii Dhuusamareeb-3 iyo arrimo laxiriira 2-daMaamul Goboleed gaar ahaan Xiisada ka taagan Gobolka Gedo ee hoos taga Jubbaland.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, ayaa sida aan xogta ku helnay ka dalbaday safiirka Mareykanka Donald Yamamoto inuu sharxo qoraal intii uu socday shirka Dhuusamareeb 3 lasoo dhigay twitter-ka safaaradda Mareykanka oo loo adeegsaday ereyga “qas-wadayaal”, taasi oo sida la sheegay safiirka uu sheegay inaan cid gaar ah loola jeedin, balse uu ku socday cid kasta oo diiddan in Soomaaliya ay horey u socoto.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah safiirka Mareykanka iyo wakiilada kale ee beesha caalamka uga dalbaday inay dowladda federaalka kala hadlaan faro-gelin uu sheegay inay ku hayso gobolka Gedo, halkaasi oo ay ciidamo badan gaysay, sidoo kalena ka dhistay maamul ka madax banaan kan Jubaland.

Kulankii wadajirka ahaa ee Axmed Madoobe iyo Deni ay la yeesheen wakiilada beesha caalamka, ayaa dhanka kale si weyn diiradda loogu saaray heshiiskii Dhuusamareeb 3, waxayna soo bandhigeen qodobo ay sheegeen inaan la aqbali karin oo heshiiska ku jira.

Qodobadaas ayaa waxaa ka mid ah in doorashooyinka ay maamulaan guddiga madaxa-banaan ee doorashada, oo ay sheegeen inuusan dhex-dhexaad ahayn kuna xiran yahay Villa Somalia. Labada madaxweyne ma dalban in guddiga meesha laga saaro, waxayse codsadeen in maamulka doorashada ay kaalin ku yeeshaan dowlad goboleedyada.

Waxay sidoo kale dood ka keeneen qodob dhigaya in dhowr magaalo ay ka dhacdo doorashada, magaaladii amnigeeda uusan wanaagsaneyna laga wareejiyo, taasi oo ay u arkaan isku day doorashada lagu gaynayo magaalooyin ay gacanta ku hayso dowladda federaalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay dalbadeen in kulanka Muqdisho laga soo qeyb-geliyo madax goboleedyada kale ee ka maqan.Si kastaba, ma cadda waxa beesha caalamka ay ka qaban karto dhammaan dalabyada labada madaxweyne goboleed, waxaana suurta-gal ah in ugu dambeyn ay in badan ka tanaasulaan, si heshiis loo gaaro.

Labada Madaxweyne ayaa xalay casho sharaf lagu nartiqaaday xarunta Villa Somalia, iyadoo lagu wado in maanta ay bilaawdaan Wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Puntland iyo Jubbaland.

58170cookie-checkWarbixin La Xiriirta Kulamadii Shalay iyo Xalay Dhacay