Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xubnaha hirgelinta doorashooyinka labada aqal ee heer Jubbaland ayaa maanta war-saxaafadeed qabtay ay ku sharraxayaan halka ay wax marayaan iyo shaqooyinkii u qabsoomay muddadii uu guddigu jiray…
War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashadu wakhtigii loogu talagalay ku qabsoomi doonto, iyagoo sidoo kale farriin u diray Baarlamaanka maamulkaasi Jubbaland, taasi oo ku aaaddan in ay Magacaabaan Guddi doorasho heer Baarlamaan si ay u fududaato howsha Doorashadu.

Dhanka kalena, warka ka soo baxay guddiga ayaa waxaa farriin loogu diray dhammaan xubnaha musharxiinta doonaysa in ay u tartamaan kuraasta aqalka sare, Waxaana loogu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashda.