Saamileyda Dekeda Garacad Iyo DP World Dagaal Ka Dhex Qarxay

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya tuhun iyo muran ka taagan Saamileyda iska leh Dekada Garacad, iyadoo Qoraalo is diidan ay muujinaayaan in dhismaha Dekedaasi dhaqaalaha ku baxay ay Sheegteen Maamulka DP World, halka Ganacsatada ay beeniyeen….

Waxeyna sheegeen “in Warka la faafiyay uu yahay Been abuur ah oo lagu khalkhal gelinaayo saamileyda Dekeda Garacad dhisaneysa waxaa leh Ganacsato Dekada Garacad, iyadoo Howlaha dhismaha uu soo gaaray heer gabagabo ah mana taagna baahi dhaqaale”.

Hadaba, Maxaa xiligaan keenay iney sheegato maalgelinta dhismaha Shirkadda DP World, maxaase ka run ah Warkaasi, hadii ay dhab noqoto waxaan shaki ku jirin in Shirkadda DP World ay qorsheysatay iney dhamaan dekedaha Soomaaliyeed ay si monopoly (Afduub) ku heystaan.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland Waxaa looga fadhiyaa iney caddeyaan mowqifkooda ku aadan dhismaha Dekada Garacad cidda iska leh iyo waxa dhab ka ah sheegashada DP World lahaanshaha iyo Maalgelinta dhismaha Dekeda.

129650cookie-checkSaamileyda Dekeda Garacad Iyo DP World Dagaal Ka Dhex Qarxay