Kalluumeysato Soomaaliyeed Oo Ku Geeriyoodeen Xeebaha Gobolka Jubbada hoose

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xoogsato ka Kaluunka ka dabta Xeebaha Dalka ayaa la sheegay iney ku geeriyoodeen Xeebaha gobolka Jubbada hoose, kadib markii dabeylo xoogan ka kaceen Xeebaha gobolkaasi, xili ay ku jiraan Shaqada…

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowlad goboleedka Jubbaland,Cabaas Cali Ibraahin ayaa sheegay in dabeylaha xooggan ee kacay ay sababeen iney qalibmaan ilaa 11 Doomood ayna ku dhinteen 5 ruux oo Kalluumeysato ahaa.

Wasiir Cabaas ayaa sidoo kale sheegay in dabeylaha ay burburiyeen Guryo ku yiilay xaafada Calaleey ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan kuwa xiga dhanka Badda, inkastoo uusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay burburka Guryahaasi.

Gabagabadii Wasaaradda Kaluumeysiga Jubbaland ayaa ugu baaqday Kaluumeysatada gobolka Jubbada hoose iney taxadar dheeraad ah muujiyaan xiliyada ay doonayaan iney galaan Badda si ay uga soo Kaluumeystaan.

Sannad walba marka la gaaro xiligaan oo kale ee loo yaqaano Xagaayga waxaa dabeeylo xoogan ay ka biloowdaan inta badan Xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana khasaare naf iyo maalba leh la kulma qaar kamid ah kaluumeysatada Soomaaliyeed.

135740cookie-checkKalluumeysato Soomaaliyeed Oo Ku Geeriyoodeen Xeebaha Gobolka Jubbada hoose