Soomalida Ku Nool Xaafada Islii Oo Ka Cabaneysa Burcad

Somalia news

Qeylo Dhaan ayaa la sheegay iney ka soo yeertay Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxeyna walaac xoogan ka muujiyay kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii ah Mobilada ka dhaca dadka ku nool xaafaddaas, waxaana la sheegay in tuugadan ay si gaar ah u beegsanayaan Soomaalida oo kaliya…

Talaabadaan ayaa soo shaac baxay, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen falalka afduubka ah ee loo gaysto Gabdhaha Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaana xaafadda Islii, isla markaasna la weydiisto lacago madax furasho ah, iyadoo Ciidamada Amaanka ee Kenya lagu Eedeeyay iney ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan dhacdooyinka.

Kooxahaan Burcada ah ayaa la sheegay iney ku hubeysan yihiin Bastoolo iyo Baangado, waxeyna wataan Mootooyin, waxeyna bartilmaameedkoodu yahay Dadka Soomaalida ah, waxaana la sheegay in laga digay in xiliyada Fiidkii in Wadooyinka Xaafada Islii gacanta lagu qaato Mobile-ka.

125990cookie-checkSoomalida Ku Nool Xaafada Islii Oo Ka Cabaneysa Burcad