Kaydinta Caanaha Hooyada ee la siiyo ilmaha aysan dhalin iyo Dooda Culimada Islaamka..

Food Health World

Mashruuc hami sare laga lahaa oo lagu bilaabayo Bangigii ugu horreeyay ee lagu kaydiyo Caanaha bini’aadmiga ee Pakistan ayaa burburay sababo la xiriira diidmo ka timid Machad Islaami ah oo ku yaal Karachi, Culumaa’udiinka Muslimiinta ayaa markii hore shuruud ku xiray mashruuca balse waxaa laga noqday maalmo ka hor inta aan la qorsheynin in xaruntan la furo…

Dalka Pakistan waa dalka 5-aad ee ugu dadka badan Adduunka, Waxaana heysta dhibaatada ah iney heysato heerka ugu sareeyo ee dhimashada Dhallaanka ee Koonfurta Asia, sida ay sheegtay Hey’adda Unicef, Bashira, ayaa waxay wayday wiilkeedii ugu horeeyay markii ay dhashay, tuulada ay ku noolaayeen ka hor inta aanay u guurin Karachi, waxaana soo food saartay cabsi ah in gabadhooda yar ay waayaan.

La dagaallanka Nolosha:-

“Cunugtaydu waxay dhalatay iyada oo aan bilo dhameysan, waxayna dhakhaatiirtu nagula taliyeen inaan siino caanaha naaska,” ayay u sheegtay BBC-da, “Laakiin ma awoodin inaan siiyo caano ku filan iyada.” Waxayna dareemeen caawimaad la’aan, Nasiib wanaag waxaa caawinaad ka helnay Hooyo kale oo Naaskeeda nuujisay Gabadheyda ayeey tiri Bashira.

Dooda Culimada Islaamka

Qaar ka mid ah Dalalka Muslimiinta u badan oo ay ku jiraan Malaysia iyo Iran ayaa leh xarumo lagu kaydiyo Caanaha Naaska Hooyada si loo helo xiliga bad-baadada dhallaanka ee loo baahdo, Laakin culimada qaar ayaa ku doodaya in dhaqankaasi uu ka hor imaanayo Shareecada Islaamka ee ku saabsan naas nuujinta, Islaamka, haweeneyda nuujisa ilmo aan ehel u ahayn, waxaa ay ka mid noqonayaan eheladeeda ay xiriirka la leedahay ” qaraabo-nimo nas nuujin ah “, Caruurta ay isla hooyadu nuujiso waxaa lagu tiriyaa walaalo.

Pakistan, culimada diinta qaarkood waxay ku dhawaaqeen hindisaha samaynta bangi caano bini’aadmi mid xaaraan ah, ama mamnuuc sida waafaqsan shareecada Islaamka, Laakin mas’uuliyiintu waxay sameeyeen dadaal “si ay bangiga caanaha uga dhigaan mid waafaqsan shareecada Islaamka”.

334400cookie-checkKaydinta Caanaha Hooyada ee la siiyo ilmaha aysan dhalin iyo Dooda Culimada Islaamka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *