Diyaarad Dagaal ee Boqortooyada UK oo Khasab ugu Leexiyeen Marinkeedii Diyaarad Rakaab & Sababta..

Africa News World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duullimaad (Flights) ay ledahay Shirkada Diyaarada ee Kenya Airways oo ku sii jeedday Garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee London ayaa lagu amray iney ku degto Garoonka Diyaaradaha Stansted ee Waqooyiga bari ee magaalada London…

Wararka ayas sheegay in Duulimaadka Kenya Airways ee tirsigiisu ahaa KQ 100 ee Diyaatada noocu yahay Boeing 787-8 Dreamliner ayaa loo leexiyey sababo amniga la xiriira galabnimadii 12 Oktoobar, kadib markii loo adeegsaday Diyaarado Dagaal oo UK leedahay, iyadoo sababta leexinta lagu sheegay iney tahay khatar amniga la xiriirta, iyadoo Warbaahinta Maxaliga ahna ay tabiyeen in kooxaha Boliiska ee bambooyinka ku takhasasusay la arkayey iyagoo halkaa ku sii degdegaya.

Xalay ayeey Mas’uuliyiinta Shirkadda Kenya Airways ayaa waxay soo saareen qoraal aan midkaas wax badan uga duwanayn, Dayaaradda ayaa waxaa hawada kaga hortegey diyaaradaha dagaalka ee Boqortooyada UK (RAF) kadib markii degdeg loo wargeliyey Waxaa la rumaysan yahay in digniin la diray markii ay dul maraysay hawada Dalka Faransiiska.

281620cookie-checkDiyaarad Dagaal ee Boqortooyada UK oo Khasab ugu Leexiyeen Marinkeedii Diyaarad Rakaab & Sababta..