Kenya Oo Gaadiid Dagaal Ka Iibsaneysa Turkiga

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Wasaarada Difaaca Kenya ay qorsheyneyso iney Gaadiid dagaal nooca aan xabadaha iyo miinada u adkeysta ka soo iibsato Warshadaha Soo Saaray Gaadiidkaasi Ee Dalka Turkiga….

Wararka ayaa sheegay in warbixino ay Saaraakiisha Ciidamada Kenya ay hordhigeen Dowladdooda, ayaa lagu xusay in baahida ay Ciidamada u qabaan sidii looga hortagi lahaa Weerarada iyo Dabinada Miinooyinka ay isticmaalaan Kooxaha argagixisada Shababka, iyadoo lagu dalbaday in 118-Gaari oo nooca kor ku xusan (Fiiri Sawirka), Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay iney qarka u saaran yihiin iney heshiis la galaan Dalka Turkiga oo Gaadiidkaasi lagu fatsameeyo, iyadoo ay ku bixin doonto 70-millions US$ ah.

Ciidamada Kenya ayaa horey u heystay Noocyada Gaadiidka APC-ga ah ee kala ah Puma M26-15, WMZ-551BSI, Mamba KM-5, Bastion iyo CS-VP14, gaadiidkaan ayaa la howl geliyay sanadihii 2010-kii ilaa 2019-kii. Waxaana laga soo iibiyay Dalalka South Africa, China iyo France,

Ciidamada Kenya ayaa ka mid ah kuwa ku howlgala magaca Amisom, waxeyna u Xil saaran yihiin Sektorka Jubooyinka iyo Gobolka Gedo, iyadoo lagu qiyaasay tiradooda 3000-oo Askari, iyadoo ilaa 2010-kii ku sugnaa Goboladaasi, waxaana ka soo khasaare isugu jirta dhimasho, dhaawacyo iyo burbur Gaadiidka Dagaalka, ayna u geysteen Kooxaha argagixisada Shababka.

89710cookie-checkKenya Oo Gaadiid Dagaal Ka Iibsaneysa Turkiga