Maxay yihiin Caqabadaha hortabinta leh Ee Maamulka Xasan Sheekh Horyaala

Somalia news

Dalka Somalia oo 5-tii sano ee la soo dhaafay ku jiray Nidaam kali talis ah ee Maamulkii Farmaajo, kaasoo dib u dhigay Hanaanka Dowlad wanaaga, isla markaasna Dalka u jiheeyo Doorasho, inkastoo Wasiirkii 1-aad ee Dowlada Federaalka uu qabtay Doorasho dadban…

Maamulka Cusub waxaa horyaala 6-qodob oo Xujooyin Siyaasadeed ah kuwaasoo hortabinta leh, loona baahan yahay in ugu yaraan 2-3 sano gudahaan la hirgeliyo si Shacibiga Soomaaliyeed oo ka niyad jabay Hogaamiyayaasha Siyaasada iney ka dhabeeyaan Balanqaadyadooda siyaasadeed in lagu guda jiro Doorashada.

Lix qodob ayaa xujo siyaasadeed ku ah, Xasan Sheekh, kuwaas oo lagu qiimeyn doono sida uu xal ugu helo, wuxuuna ku qasban yahay inuu xal u helo inta uusan dhamaan muddo-xileedkiisa.

-Isku dumidda dadka [Dhab u heshiisiin]

-Amniga Dalka (Diyaarinta Ciidamada)

-Dhammeystirka Dastuurka (Qabyo Qoralka)

-Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga

-Diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah

-Maqaamka Gobolka Banaadir

Xasan Sheekh, labo waddo middood ayaa u furan, mid waa jidkii qodxaha badnaa ee Farmaajo haadaanta ka tuuray, midna waa mid Nabadeed iyo Odaytannimo, Badbaadada Dalka iyo Shacbiga waxa ay ku jirtaa inuu curin siyaasadeed oo Caafimaad qabta Shacabka soo hor dhigo isla markaasna Caanshuurta Magaalada Mogdishu kaliyah laga qaado lagu baahiyo Gobolada..

197770cookie-checkMaxay yihiin Caqabadaha hortabinta leh Ee Maamulka Xasan Sheekh Horyaala
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com