Mahdi Guuleed Oo Loo Diray Asmara

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Safar qarsoodi ah oo maalintii shalay ahayd si dhuumaaleysi ah magaalada Muqdisho uga dhoofay RW kuxigeenka Dowladda Federaalka Mr.Mahdi Guuleed oo ayna ku wehliyaan wariyayaal ka socda Wasaarada Warfaafinta iyo saraakiil Sirdoon oo Eritrea ah, kuwaasoo barnaamij igu sawir ah u tahay Caasimadda Asmara….

Mahdi Guuleed ayaa lagu wadaa in uu booqdo sawiro iyo muuqaalana isaga soo duubo mid ka mid ah xeryaha lagu tababarayo Ciidamada Dowladda ay u dirtay dalka Eritrea. Ujeedka socdaalka Mr.Mahdi Guuleed ayaa ah sidii loo damin lahaa ciidamada DF u dirtay Dalkaasi ee ka qeyb qaatay dagaalka sokeeya ee ka socda Ethiopia isla markaasna dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen.

Ayaan darrase Mr.Farmaajo weli ka hadlin, islamarkaana isku dayin inuu wan iyo Qeylo dhaanta Hooyooyinka iyo Aabayaasha Caruurta loo adeegsaday Dagaalka Ethiopia, iyadoo Warar saxaafada loo diyaarshay ay Dalalka Ethiopia iyo Somalia ay Warbaahinta la wadaageen isla markaasna ay dafireen in Ciidamo Somalia ka socda ay Dagaalka ka qeyb qaateen.

Haddaba, waxaan sugnaa waa Mr.Mahdi Guuleed oo ku dhex jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo jooga xeryaha Eritrea, waxayna noqoneysaa markii ugu horreeysay oo aay DF qirato in ciidan Soomaali ah tababar loogu diray Dalkaasi, iyadoo horey ay Wasaarada Gaashandhigga Dowladda Federaalka u dafirtay iney Ciidamadaasi waxba kala socon.

89670cookie-checkMahdi Guuleed Oo Loo Diray Asmara