Kenya oo Taliye cusub u soo Magacaawday Sector II ee Jubbaland..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Wasaarada Gaashandhigga Kenya oo Taliye cusub u soo magacaawday Sector II ee Ciidamada Kenya Qeybta ATMIS ee ka howlgala Gobolada Jubooyinka iyo qeybo ka mid ah Gobolka Gedo dagaalada kula jira kooxda Argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Sareeye Guuto Seif Salim Rashid ayaa bedelay Sareeye Guuto William Kamoiro, kaasoo mudadii xilka uu hayay ka dhamaatay, iyadoo Gaaska Ciidamada Kenya ee ku howlgala Magaca ATMIS ay muddo xil heynta ay tahay 12-bilood, Saraakiishaan ayaa booqasho sharfeed ugu tagay Xafiiskiisa Madaweynaha Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Sareeye Guuto Lukas Kutto Taliyaha Sector 6-aad ayaa goob joog kaahaa Xaflad lagu wareejinaayay Ciidamada jubbaland Gadiid iyo Qalabka miinada lagu baaro oo ay ku deeqday Hey’adda UNMAS, iyadoo lagu xoojinaayo howlgalada Ciidamada SNA di ay Ciidamada ATMIS ugala wareegaan dabayaaqada Sanadkaan.

311370cookie-checkKenya oo Taliye cusub u soo Magacaawday Sector II ee Jubbaland..