Doon Dad La Socdeen Oo Ku Rogmatay Xeebaha Jabuuti

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dooni ay la socdeen Dad badan ayaa la sheegay iney ku rogmatay Xeebaha waqooyiga dalka Djibouti, waxaana la sheegay in ugu yaraan 20-qof oo tahriibayaal ah ay ku geeriyoodeen, kadib markii ay si ula kac ah looga tuuray, Sida ay sheegeen Dadka ka badbaaday…

Madaxa Xafiiska Socdaalka Aduunka Ee geeska Africa (IMO) Ee Djibouti Mr.Maxamed Cabdulqaadir Ayaa Twitter-kiisa ku shaaciyay in Muqalisiinta doonta ay ku rareen doontaasi Tiro ka badan inta loogu talo galay, kadibna si qasab ah uga tuureen markii ay bartamaha badda doonta gaartay, iyadoo uu intaasi raaciyay in Doonta markii hore la saaray 80- Tahriibayaal ah, taasoo Xaalada sii adkeysay.

Tahriibayaaahaan ayaa la sheegay iney ku sii jeedeen Dalka Yemen, kadibna waxey ku sii jeedeen qaarkood Dalka Sacuudiga halka kuwo kale ay Xeebaha Turkiga iyo Griiga Doonaayeen iney tahriib ku gaaraan, dhacdadaan ayuu Mr.Maxamed sheegay iney tagay midii 3-aad muddo lix bilood gudahood ah, waxaana ku naf waayay 70-qof.

99200cookie-checkDoon Dad La Socdeen Oo Ku Rogmatay Xeebaha Jabuuti