Khasaaaha ka dhashay Dirirta u Dhaxeysa Xoogaga Amaanka Puntland iyo Kooxda Daacish…

Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Dagaal u dhex maray Xoogaga Amaanka Puntland iyo maleeshiyaadka Daacishta Somalia oo ka dhacay Degaanno ka tirsan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo la tilmaamay in Dirirtaan ay aheyd ahaa mid ugu adkeyd ee labada dhinac ku dhexmaray…

Wararka ayaa sheegaya in 15 askari oo ka tirsan Xoogaga Amaanka Puntland lagu dilay dirirtaasi, halka 51 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkan, soo si gaar ah uga dhacay ddegaanka Dharin ee Toga-jaceel ee Buuraha Calmiskaad, Dhinaca Puntland ayas sheegtay iney dileen 42 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo sidoo kale soo bandhigtay meydadka 10 kamid ah dagaalamayaal Daacish oo ajnebi ah oo lagu dilay dagaalka.

Dagaalkaan ayaa u muuqda mid fari ka qodneyn, maxaa yeelay Muddo dheer ayeey kooxaha Argagixisada isku uruursanayeen Buuraha Cal-miskaad (Daacishat fariisimo ku leh iyo Calmadow oo ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka kooxda Shababka kuwaasoo ilaa hadda aan weerar lagu qaadin.

359540cookie-checkKhasaaaha ka dhashay Dirirta u Dhaxeysa Xoogaga Amaanka Puntland iyo Kooxda Daacish…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *