Baaqyo Laga Soo Saaray Dhakhaatiirta Cuba Ee Afduuban

Somalia news

Warbixino hordhaca ah oo laga helay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Labada Dhakhaatiir ee u dhashay Dalka Cuba isla markaasna gacanta ugu jira Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka muddo 15-bilood ah, ayaa la sheegay ineysan kooxdu hadda xabsi cusub geeyaan, kadib markii ay Soo food saartay cabsi ah in la ogaado goobta ay ku hayaan….

Xirfadlayaashaan Caafimaad ee lagu kala magacaabo Mr.Assel Herrera iyo Landy Rodriguez, ayaa si joogto ah looga bedelaa xabsiga lagu hayo, iyagoo Sidoo kale Gargar Caafimaad u fidiya Dhaawacyada iyo Bukaanada Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka, Wararka ayaa sheegaya in markii Hore lagu hayay Degaan ku dhow degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, kadib Loo wareejiyay Degaan ku dhow Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Ehelada Labada Dhakhtar ayaa walaac ka muujiyay xaaladooda Caafimaad iyo badqabkooda, iyagoo sheegay in Dalka Somalia ay xiligaan ka jiraan Cudurka Caabuqa ee Coronavirus, waxeyna ugu baaqeen 3-Dowladood ee Cuba, Kenya iyo Somalia iney gacan ka geystaan sidii loo sii deyn lahaa Dhakhaatiirtaan mudada dheer u xiran kooxda Shabaabka.

48030cookie-checkBaaqyo Laga Soo Saaray Dhakhaatiirta Cuba Ee Afduuban