Maxaad Kala Socotaa Kulanka Deni & Diyaano Ee Magaalada Boosaaso

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa kulan saacadaha nagu soo aadan ay yeelan doonaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii uu xilka ka qaaday ee Hay’adda Ciidanka PSF Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano, Kulankaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah kadib dagaalkii magaalada Boosaso ka dhacay…

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kulanka diirada lagu saari doono xal u helida diidmada Maxamuud Diyaano ee xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland iyo mustaqbalka Hay’adda Ciidanka PSF, oo haatan noqotay labo garab.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimmada gobalka Bari ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ee sabtidii ku go’aamiyay in Madaxweyne Deni la kulmo Agaasimihii uu xilka ka qaaday, waxaana lagu wadaa in khilaafka lagu soo afjaro colaada ka taagan.

172030cookie-checkMaxaad Kala Socotaa Kulanka Deni & Diyaano Ee Magaalada Boosaaso