Khilaafkii Doorashada Degaanada Puntland oo u Gudbay Dhinaca Odayaasha Dhaqanka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Isimada Dhaqanka ee Degaanada Puntland, Khilaafkaan ayaa salka ku haya cida Xaqa u leh hogaaminta Shir aayaha Puntland looga hadlayo oo la qorsheeyay dhawaan in uu qabsoomo…

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay inuu sii xoogeysanayo khilaafka 2-da Isim ee Gobolka Nugaal, ee horey heshiiska u ahaa, kuwaasoo ku kala aragti duwanaaday xalinta muranka Siyaasadda Puntland sida loo wajahayo, iyadoo uu Islaan Ciise Islaan Max’ed ayaa iska diiday inuu ogolaado Shir-gudoominta Kulanka ee Boqor Burhaan Boqor Muuse, balse Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa u sheegay Odayaal Dhaqmeed uu la kulmay martiqaadna u sameeyey iney kala aragti duwanaadeen Islaan Ciise, isaguna ogol-yahay Shir-gudoominta Boqorka oo lagala shaqeeyo.

Shaki badan ayaa laga muujiyay sida uu ku dhici karo Kulan aysan u dhameyn Odayaasha Dhaqanka, iyadoo rajo beel lagu tilmaamay in Xalka Khilaafka Doorashada degaanada Pubtland lagu heshiiyo waxaana laga cabsi qabaa in burbur uu ku yimaado Nidaamka mudada 25-sano ah soo shaqeynaayay hadii asn tanaasulaad aysan dhinacyada muujin.

265810cookie-checkKhilaafkii Doorashada Degaanada Puntland oo u Gudbay Dhinaca Odayaasha Dhaqanka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com