Amaanka Magaalada Mogadishu Oo Laga Deyriyay

Somalia news

Muqdisho waxa kusoo kordhay Dilalka & qaraxyada miinooyinka, shalay oo keliya waxaa Caasimadda lagu dilay 12-Qof 4-ka mid ahi waxey ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay Beexaani dhanka Degmada Kaaraan, halka Saakay labo 2-ruux lagu dilay agagaarka Carwo Itko ee Magaalada Mogadishu…

Waxaa la sheegay in Amaanka Magaalada uu noqday mid “Allow Sahal Amuuraha”, iyadoo ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen in Kooxaha Labada Shabab ay kordhiyeen Maalmihii ugu dambeeyay ugaarsiga Dadka Rayidka ah iyo kuwo Mucaaradka taageersan, iyadoo Dalalka qorsheysan iyo Isbaarooyinka Xoogaga Amaanka ay Magaalada Mogadishu geliyeen xaaladii ugu xumeyd.

Amaan darrada ayaa ku soo beegmay xili Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay muddo xileedkiisu ka harsan tahay 14-Maalmood, waxaana soo baxaaya in Xiriiro ka dhaxeeyaan Falalka amaan darro iyo Ciidamada Dadka ku ciqaabaaya Isbaarooyinka ay dhigteen Wadooyinka Magaalada Mogadishu.

89120cookie-checkAmaanka Magaalada Mogadishu Oo Laga Deyriyay