Kenya Oo Ciidamadeeda & Kuwa Somalia u Fidinaaya Talaalka COVID-19-ka

Somalia news

Sida Laga soo xigtay Taliska Ciidamada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadooda ka howlgala Degaanada Maamul goboleedka Jubbaland iyo kuwa Somalia ay dhowaan ka talaali doonaan Cudurka Caabuqa ee safmareenka ah Ee Coronavirus, kadib markii la soo gaarsiiyay Todobaadkii tagay shixnadii Talaalka….

Gen.Robert Kibochi Taliyaha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Howlgalada ku maqan dhamaantood laga talaali doono Cudurka Coronavirus, wuxuu sheegay in dhowr goobood loo diyaariyay si loo fuliyo howshaan, kuwaasoo kala ah Fariisimada Ciidamada Ee Nanyuki, Mitongwe, Laikipia iyo Gilgil, wuxuu intaasi raaciyay in Dhamaan Ciidamada Kenya Ee magaca Amisom ku howlgala iyo kuwa Somalia loo fidin doono Talaalka Covid-19.

Cudurka Coronavirus ayaa dhibaato xoogan ku haya xiligaan Bulshada ku nool dalalka Bariga Afrika, iyadoo Dalka Kenya ay diiwaangelisay 1500 dhimasho, Dalka Somalia ayaa diiwaangelisay tiro ka yar kuwa Dalka Kenya, laakin waxey ka siman yihiin Maamulada Dalalkaan Diyaar garow La’aan, Maamul xumo wacyi gelin hooseysa.

101060cookie-checkKenya Oo Ciidamadeeda & Kuwa Somalia u Fidinaaya Talaalka COVID-19-ka